Welcome to git-github-bootcamp Discussions! #85
Replies: 11 comments 9 replies
|
👉 🚀 Git & GitHub Bootcamp: Maxaad Ka Faa’iiday? |
|
Magacaygu waa Abdulahi-Geedi., jooga Nairobi kenya. Waxan ahay arday bartay Software Development, Data analysis, iyo Artificial Intelligence (AI). Waxaan aad u xiiseeyaa barashada teknoolojiyadaha cusub, xallinta dhibaatooyinka, iyo horumarinta xirfadahayga maalin kasta. waan kaga mahadcelinaya sida aad noogu hagar baxday barashada git-github bootccome shukran ustaadii. |
|
Qiyaas Command-ka Waxaad rabtaa inaad branch kale aad aado adigoon isbadaladii yaalay branch ga aad hada joogtid aadan commit kusamayn command kee isticmaalaysaa? A. git stash B. git fetch C. git diff D. git restore |
|
Magacaygu waa Abdirahman, waxaan joogaa magaalada Mogadishu. Waxaan bartay kulliyadda Computer Science and Information Technology. Marar badan waxaan isku deyay inaan si fiican u fahmo Git iyo GitHub waxa ay yihiin, waxaana fiirsaday crash courses badan oo YouTube ka buuxa, laakiin arrintu way igu adkaatay. Markii aan kusoo biiray bootcamp-kan ay bixinayso Gooblabs ee ah Git & GitHub bootcamp, ayaa maskaxdu ii furantay oo aan si dhab ah u fahmay sida ay u shaqeeyaan. Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan bulshadan ka mid noqdo, waxana diyaar u ahay inaan idinla wadaago fikradaha iyo khibradahayga! 🚀 |
|
Magacaygu waa mubarak caydiid waxaan aad ugu farax sanahay inaan bootcamp kan muhiim ka ilaahay iigu deeqay waxaan intu bootcamp kan socday kafaa iday sida open source ushaqeeyo wuxu yahay sida looga qayb qaato sida branch loogu maamulo project gaaga markii hore commands git ah wan qori jiray laakiin wax macne ah iigumay fadhin yacni aqoon uma lahayn git add waa dhihi kari jiray uun laakiin iminka git add iyo commit , push ,remote ,clone , fork , stash switch , fetch , merge, pull request dhamaan commands kan maanta waa kuwa macno buuxa iigu fadhiya oo aan githubkayga kaga dhigayo qaar professional ah Alhamdulillah waxan aad ugu mahad celinaya team goobo labs ustaad sharafdin iyo omar sidoo kale dugsiiye oo ah isna sponsor ka ah dhamaan bootcampskii laqabtay aniga ahaan wax badan ayay igashteen ogaalkayga dhanka technology kana waa bootcamp kii 2aad oo aan kaqayb galo mahadsanid dhamaan team dugsiiye iyo goobo labs.❤️ |
|
Magacaygu wan Cabdullaahi Ibraahim Cumar, waxaana ahay arday dhigta computer science. Bootcamp-ka Git & GitHub wuxuu ii ahaa waayo-aragnimo waxbarasho oo qiimo leh. Intii aan ku jiray xerada bootcamp-ka, waxaan kasbaday xirfado wax ku ool ah oo lagama maarmaan u ah horumarinta barnaamijyada casriga ah. |
WhatsApp.Video.2026-07-26.at.11.40.37.mp4 |
|
magacaygu Abdulkadir Mohumed waxan ahay arday barta sotware engineering. runtii bootcamp-kaan waxa uu ii noqday mid indheheeyga kala fura oo itusay inuu iga maqnaa cashir-kii ugu muhiimsanaa saaxadda development-ga. ustaad @sharafdin iyo dhamaan bahda goobo labs waa ku mahadsanyihiin sida ay noogu hagar bexeen. |
|
Asalaamu Calaykum dhammaan. 👋 Magacaygu waa Abdighafar. Waxaan ahay arday barta Programming. Waxaan ku soo biiray Bootcamp-kan Git iyo GitHub si aan u horumariyo xirfadayda barnaamijyada. Markii aan Bootcamp-kan bilaabay, aqoon badan uma lahayn Git iyo GitHub, balse hadda waxaan bartay sida loo abuuro repositories, loo sameeyo commits, branches, merge, clone, fork, iyo sida GitHub loogu isticmaalo si sax ah. Waxaan sidoo kale bartay sida loo wada shaqeeyo, loo diro Pull Requests, loona xalliyo khaladaadka inta lagu jiro horumarinta mashruuca. Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ka mid noqdo ardayda ka faa'iidaysanaysa Bootcamp-kan. Waxaan rajeynayaa inaan wax badan ka barto xubnaha kale, su'aalo waydiiyo, isla markaana aan la wadaago wixii aan bartay. Mahadsanidiin dhammaantiin, gaar ahaan @sharafdin, dadaalka iyo aqoonta aad nala wadaagtay. Waxaan rajeynayaa inaan si wadajir ah u horumarno. 🙏🚀 |
|
magaycayga waa abdirahman yonis aad iyo aad ayan ugu faraxsanahy inan kamid noqdo dadka ka faaidaystay bootcamp-kan oo runtii iga cawiyay inan fahmo git and github oo ah must have developer tools |

Uh oh!
There was an error while loading. Please reload this page.
👋 Welcome!
We’re using Discussions as a place to connect with other members of our community. We hope that you:
build together 💪.
To get started, comment below with an introduction of yourself and tell us about what you do with this community.
All reactions